Maxaa u Qabsoomay Madaxweyne Xassan Sh. Maxamud sanad ka dib Doorashii uu ku guuleystay?


Horudhac

Maanta oo taariikhdu ay tahay 15 May waxa ay ku beegantahay maalintii madaxweynaha Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Maxamud uu ku guuleystay doorashii dalka ka dhacday sanadii 2022-kii. 


Madaxweyne Hassan sh. Mohamud ayaa fursad u helay in markii labaad maanta oo kale sanadii hore ku guuleysto hogaaminta dalka isagoo ku soo baxay doorasho uu la galay siyaasiyiin miisan culus oo ay ka mid ahaayeen madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Mudane Shariif Sh. Axmed. 


Qorshayaal

Mudada sanadka ah madaxweynaha talada haya waxa uu la yimid qorshayaal badan oo ay ka midyihiin la dagaalanka ururka Al-Shabaab, xoojinta heshiisyada caalamka iyo u diyaargarowga sidii ciidamada shisheeye ee dalka nabad ilaalinta u jooga loogu badali laha ciidamo Soomaaiyeed oo u diyaarsan in ay masuuliyadaas xambaaraan. 


Waxaa jiray dagaalo dhowr waji lahaa oo ay dowladu la gashay ururka Al-Shabaab oo ay kula wareegtay deegaano badan, iyada oo dhiirigelineysana in dadka shacabkaahi hubka qaataan oo ay dhulkooda xoreystaan. Dowladu weli kama adkaan Al-Shabaab balse waxa ay qaaday talaabooyin muhiim u ah dagaalka lagula jiro ururkaan ee dhanka militariga, sirdoonka iyo cadaalada. 


Arimaha Dibadda

Dhanka siyaasadaha arimaha dibadda madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa mid ku socda daganaan iyo saaxiibtinimo isaga oo sida muuqata dhaxalgelinaya siyaasadiisa 'Soomaali Heshiis ah Dunidana heshiis la ah' walow maalmihii dambe dhanka maamuul goboleedka Puntland iyo dolwada fedraalku aysan calaaqo wanaagsan ka muuqan dhexdooda. 


Madaxweynuhu waxa uu booqday dalal badan oo dariska iyo bariga Afrika ah isaga oo isku dayay in uu hogaamiyayaasha howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ku qanciyo in ay u diyaargaroobaan sida ay ciidamooda dalka ugala bixi lahaayeen loona taageeri lahaa ciidamada Soomaaliyeed ee lagu badali lahaa. Waxaa sidoo kale madaxweynihuu muujiyay in dalkiisa Soomaaliya uu daneynayo inuu ku biiro urur bulsheedka dalalka bariga Afrika ama East African Community oo loo soo gaabiyo EAC kaa oo la filayo in isku socodka iyo dhaqaalaha dalalka xubnaha ka ahi saameym xoogan ku yeesho. 


Musuqmaasuqa

Waxaa jira horumarino iyo dadaalo ay dowladu ka sheeganeyso dhinaca hanti dhowrka dowlada iyo la dagaalanka musuqmaasuqa oo ah mid mar walba Soomaaliya ay qiimeynta musuqa caalamka kaalmaha hore ka soo gasho. 


Dhanka kale waxaa jira waxyaabo lagu eedeynayo dowlada hada jirta oo ay ka mid tahay caburinta saxaafada sida in aan laga faaloo karin mowduucyada qaar ee la xiriiri kara ururka Al-Shabaab iyo saxaafada oo aan weli dareemeyn madax banaani buuxda. 


Amni-darada Muqdisho

Waxaa jira magaalda Muqdisho qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay sida qarixii labaad ee Soobe oo kumanaan qofood ay ku waxyeeloobeen naf iyo maalna lagu waayay. Waxaa kaloo jira dilal askar dareyska dowlada wataahi u geysteen dad shacab gudaha magaalada Muqdisho walow hey'adaha cadaaladu muujiyeen dadaalo askartaas sharciga lagu horkeenayo. 


Dowladda uu madaxweynaha ka yahay mudane Hassan Sh. Mohamud waxaa u dhiman waqti ku filan oo ay wanaag badan iyo horumar ugu horseedi karto shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada, musuqmaasuqa iyo cadaalad daradu daashatay. 


Ma laga yaaba in sanadka dambe ay dowladu isbadalo intaan ka sii wanaagsan la imaa karto?