Doorashada Turkiga 2023. Yaa ku tartamaya?

 

Dorashada Turkiga -Somali Democracy (Image: Financial Times)

Doorashada Dalka Turkiga ayaa maanta oo tariikhdu ku beegantahay 14-ka Maajo loo dareerayaa. Doorashadani waa doorashada kursiga Madaxweynaha dalkaas waxaana ku tartamaya Madaxweynaha talada haya Recep Tayyip Erdoğan iyo hogaamiyaha xisbiga CHP Kemal Kılıçdaroğlu.

Madaxweynaha talada haya Recep Tayyip Erdoğan waxaa uu dhashay 26-kii Febraayo, 1954. Waxa uu ka midyahay siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka Turkiga isagoo ku soo shaac baxay doorashadii sanadii 1994 oo uu ku guuleystay Maayorka magaalada Istanbul. Waxa uu soo maray heerar kala duwan isaga oo ahaa Raiisulwasaaraha Turkiga laga soo bilaabo 2003 ilaa 2014. Madaxweyne Erdoğan waxa uu talada madaxweynaha Turkiga ku soo baxay Agoosto, 2014 ilaa hada oo uu hayo markalana doorasho ayuu ku jiraa isagoo filaya inuu 5 sano oo kale dalkiisa sii hogaamiyo.

Dhinaca kale musharaxa hogaamiya xisbiga CHP Kemal Kılıçdaroğlu, waxa 17-kii Deseember, 1948. Kemal waa dhaqaale yahan jaamacadda Ankara ka baxay waana mucaaradka ugu weyn ee ka soo horjeeda Madaxweynaha dalka Turkiga. Kemal waxa uu isku soo sharaxay xilal badan oo kan madaxweynaha iyo Maayorka Istabul ah dhowr jeer balse waa uu ku guul dareystay.

Waxaa xusid mudan in dalkan Turkiga nidaamkiisu uu ahaa nidaam Baarlamaani ah (Parliamentary system) oo micneheedu yahay in jagada dalka ugu sareysaahi tahay jagada ama kursiga Ra'iisulwasaaraha iyadoo madaxweynuhu yahay mid aan shaqeyn oo siyaasada iyo hagida dalka aan wax saameyn ah ku lahayn.

Arintaan waxaa badalay Madaxweynaha hada talada haya oo isagu 10 sanadood soo ahaa Ra'iisulwasaaraha dalka balse dalka Turkiga u badalay nidaam Madaxweyne (Presidential System) oo ah kan inta badan caalamka lagu dhaqo. Waa nidaam Madaxweynuhu awooda dalka ugu sareyo waxaa sidoo kale uu tirtiray booskii Ra'iisulwasaaraha oo lagu badalay Madaxweyne ku xigeen (Vice President).
Doorashada waxaa la filayaa in ay codeeyaan 64 milyan oo muwaadiniin Turki ah gudaha dalkaas iyo dibadiisana kala jooga. 60.9 Milyan oo dadka codeynaya ka mid ah waxa ay joogaan gudaha Turkiga halka 3.2 Milyan ay codkooda ka soo dhiibanayaan iyagoo dalka meel ka baxsan jooga.

Madaxweynaha doorashadan ku soo baxa waxa uu talada dalka Turkiga heyn doonaa 5 ta sano ee soo socota. Waxaa tartan adag ku jira Madaxweyne Erdoğan oo gacan ka helaya siyaasiyiin iyo dad badan oo Turki ah iyo Kemal oo hogaaminaya xisbiga mucaaradka dalal badan oo reer galbeed ahina taageerayaan.



______________________
𝑰𝒎𝒂𝒈𝒆: 𝑭𝒊𝒏𝒂𝒏𝒄𝒊𝒂𝒍 𝑻𝒊𝒎𝒆𝒔